Amar Farxad Galinaya Qaxootiga Soomaaliyeed oo ay Soo saartay Maxkamadda ugu sarreysa waddanka Nederlands!!
Maxkamadda ugu sarreysa waddanka Nederlands ayaa amar ku siiyay dowladda dalkaas in ay joojiso go’aankeeda ay ku musaafurineyso Soomaalida magangelyo doonka ah ee ku guul dareystay in la aqbalo codsiyadooda qaxootinnimo sababo ay ku sheegeen dagaallo weli ka socda meelaha qaar ee dalka Soomaaliya.
Maxkamadda waxay xukuntay in aysan suurtagal u aheyn muwaadiniinta Soomaalida inay Muqdisho si nabadgelyo ah kaga sii gudbaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayna dhici karto in dadkaas ay la kulmaan qatar weerarro ah.
Waxayna sidaas darteed ay maxkamaddu meesha ka saartay wax la yiraahdo musaafurin taas beddelkeedana hoy la siiyo dhammaan dadka Soomaalida ee dibedda looga saaray kaamamkii ay ku jireen.
Arrinta musaafurinta Soomaalida magangelyo doonka ah ayaa waxaa maxkamadda sare u gudbiyay wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga ee Nederlands Gerd Leers, isagoo horey racfaan uga qaatay kiis ay ku soo celisay maxkamadda hoose ee dalkaas oo iyaduna mamnuucday waqtigan in la musaafuriyo Soomaalida loo diiday sharciyada deganaanshiyaha ah.
Qaar ka mid ah Soomaalida magangelyo doonka ah ee ku sugan dalka Holland ayaa Shabakadda Allbanaadir.com u sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan go’aanka maxkamadda sare ee u oggolaanaya Soomaalida in ay sii joogi karaan waddankaas.
Tan iyo markii ay tallada dalka Holland la wareegeen xisbiyada muxaafidka ee midigta waxay qaadatay siyaasad adag oo lagula macaamiltamayo dadka soo galootiga ee magangelyo doonka ah, waxaana arrintaas ay gacan ka geysatay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado tiradii qaxootiga ee tegi jiray dalka Nederlands.




























