kumaa ahaa Ganacsade ibarahim uunlaaye ilaah janadii fardowsa haka waraabiyee
Madhinte waa Allaah oo keli ah, cid kasta oo kalena waa dhimanaysaa ee Eebboow
adiga oo qur ah ayaan naxariis kaa rajaynaynaa adduun iyo aakhiroba, insha Allaah.
Xaaji Ibraahim Uunlaaye oo la sheegay in uu magaalada Xaafuun ku dhashay 1918,
kuna barbaaray Kismaayo, wuxuu ahaa shaqsi dalka Soomaaliya iyo dibadahaba
aad looga wada yaqiin, aadna looga wada jeclaa, wuxuuna heerkaas ku gaaray
Alle aqoon, dabeecadwanaag iyo deeqsinimo.
Wuxuu ahaa ganacsade weyn oo muhiim ah oo dad badani ka shaqaysan jireen
wuxuuna ku gaaray in uu noqdo hantiilaha koowaad ee Soomaaliya, waxaana
hantidiisu ahayd mid la wadaago oo lagu soo hirto, ama isagu u diyaariyo lana
doonto danyarta.
Wuxuu ku bixinjiray hantidiisa intaan ogahay ama maqlay dhismaha masjidyada
Eebbe lagu caabudo iyo isbitaallo gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo
Kismaayo, waxaana RST ka baryayaa in uu maxruumkaas ka abaalmariyo
wixii uu wanaag geystay, denbigiisa dhaafo, uuna jannadii Fardoowsa rugtiisa
ka yeelo, insha Allaah.
Rabbi ha u naxariistee Xaaji Ibraahim Cismaan Abokor (Unlaaye) wuxuu markasta
xubin firfircoon ka ahaa Baarlamaankii Soomaaliya in ka badan 30 sano oo ah waq-
tigii ay ay jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ahna intii ka horraysay waayadii bur-
burka iyo rafaadka lagu jiray, wuxuuna ka soo geli jiray Kismaayo.
Badiba guryaha qof keli ah uu dhisto kuwa ugu badan, ugu bilicda wanaagsan,
ugu dhisme qaallisan, kuna yaal halboowlaha magaallooyinka Xamar iyo Kismaayo
Xaaji Ibraahim Uunlaaye ayaa lahaa, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay suuragelintii
dhismihii Dekedda iyo Airportiga caalamiga ah ee Kismaayo.
Sidaas darteed, dad aan tiradooda la soo koobi karin ayaa tacsi ka diraya geerida
naxdinta leh ee ku timid Xaaji Ibraahim Cismaan Uunlaaye.waxaana dadkaasi kala
joogaan 5ta Qaaradood ee adduunka, waxayna iyagoo aad u tiiraanyeysan tacsi
u dirayaan walaalkiis Xaaji Cali Cismaan Uunlaaye, dhammaan carruurtiisii wiilal iyo gabdhoba, xaaskiisii, carruurtii uu adeerka u ahaa sida ilma Maxamed Uunlaaye, ilma
Cali Nuur iyo Cumar Nuur Abokor iyo kuwii uu awoowaha u ahaa, saaxiibbadiisii cid
walba lahaa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibaddaba, waxaana dadka tacsida diraya ka mid ah:
* Ilma Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje, * Reer Saciid Yoontoy
* Reer Xaaji Cismaan Saciid Beeldaaje * Reer Maxamed Gaban
* Ilma Ismaaciil Saciid Beeldaaje (Bulxan iyo Bulqaas)
* Ilma Maxamed Saciid Beeldaaje * Reer Xaaji Kuusoow
* Ilma Maxamuud Saciid Beeldaaje Cali Naxar
* Reer Maxamed Saalax Faaraha (Bedzo) * Reer Qoorsheel
* Reer Xaaji Cali Dalmar * Reer Lugabaxsi
* Ilma Sheekh Nuur Cali Coloow * Reer Saalax Aariyo
* Reer Saciid Muuse Colow
* Ilma Sheekh Maxamed Cali Xareed * Reer Jaamac Afballaar
* Ilma Sheekh Nuur Cali Sugulle * Reer Mire Yuusuf
* Ilma Sheekh Axmed Gardheere * Reer Muumin Neberi
* Ilma C/lahi Xuseen * Reer Khuurshe Xaaji Cali * Ilma Cabdi Huuf
* Ilma Cali Faray * Reer Jaamac Dhurwaa
* Ilma Ciid Cismaan * Reer Qaxiye Ciise
* Ilma Maxamuud Cali Yare iyo Adeerkood Ismaaciili * Reer Axmed Qandala
* Dhammaan qoyska reer Cabdikariim Xaaji Muuse * Reer Nuur dhalkhayr
* Reer Dr. Ismaaciil Ciise Rooble * Reer Xaaji Tarankhayr
* Ilma Maxamed Warsame * Reer Garabyare
* Reer Suldaan Jeenicad Diyaariye: Muuse Xaaji Abees
* Salaad Ciise Rooble
* Qoyska Ilma Dubbe (Salaad Iyo Yuusuf)
* Dhammaan qoyska reer Xasan shiddo
* Dr. Khaliib Bile Maxamuud iyo dhammaan
qoyska reer Cilmi Xaaji
* Dhammaan qoyska reer Muumin Ciise Maxamuud
* Reer Maxamed Ciise Qaxiye,
* Ilma Cismaan Futashaariyo
* Reer Maxamed Saalax Deer (Ladane)
* Ilma C/laahi Saalax Deer
* Reer Cali Aashiguur
* Ilma Ismaaciil Aashiguur
* Ilma Maxamed Xasan Maxamuud
* Ilma Cabdiraxmaan Xasan Maxamuud
* Qoyska reer Maxamuud Cismaan Qoslaaye
* Ilma Aw Cumar Maxamed Ciise
* Dhamaan qoyska Xaaji Maxamed Bilcil
* Dhamaan qoyska Maxamed Ismaaciil Dawaarig
* Dhamaan Qoyska reer Xaaj Faarax Yuusuf
* Dhamaan qoyska reer Maxamed Muuse
* Dhammaan qoyska reer Xaaji Saciid Faarax (Indhataag)
* Qoyska reer Maxamed Casayr
* Qoyska reer Xaaji Xasan Cirro
* Ilma Eng. Ciise Maxamed Muuse
* Reer Saciid Muuse (Saciid dheere)
* Dhammaan qoyska reer Cali Hogato
* Ilma Cali Yare Xuseen
* Dhammaan qoyska reer C/maan Geyre
* Ilma Cabdalle Geyre
* ilma Saciid Geyre
* Ilma Cali Madoobe
* Ilma Jaamac Jooge
* Dhammaan qoyska reer Xaaji Abees
* Ilma Macallin Maxamed
* Ilma Macallin Maxamed Muuse
* Ilma Cali Farbuur
* Ilma Maxamed Cali Nuur
* Dhammaan qoyska reer Faarax Yuusuf Samatar
* Dhammaan qoyska reer Maxamed Samatar
* Dhammaan qoyska reer Saciid Badoow
* Reer Ciise Aw Cali
* Reer Saciid Muuse (Salaabood)
* Ilma Dayib Sugule
* Ilma Faarax Sugulle
* qoyska reer Allaa soo shubay.
Qoyska reer Xaaji Axmed Dhegacadde
* Sheekh Ismaaciil Kutub
* dhammaan Ilma Firin cabdikariim
* Ilma Nuur Muuse Cadde
* Reer Sheekh Maxamed Xuseen Cabdi (Qandala)
* Reer Cilmi Dheere
* Reer Cumar Gaange
* Ilma Aw Saciid dheg-jacaafe
* Reer Cabdulqaadir Maxamuud (Sindako)
* Qoyska reer Yuusuf Dheere





























