Madaxweyne Lafta Gareen iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Xudur

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Xudur

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur waxaa ku weheliyay Wasiirrada Caafimaadka, Maaliyadda, Amniga, Degaanka, Xildhibaanno iyo Taliyaal Ciidan.

Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, uu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha Maamulka iyo Ciidamada.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa  lagu wadaa in uu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo laga hir geliyay gudaha magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.