Home Warar Silvia Romano oo la shaaciyey in madax furasho lagu sii daayey –… Silvia Romano oo la shaaciyey in madax furasho lagu sii daayey – Sidee wada-xaajoodku u dhacay?

Silvia Romano oo la shaaciyey in madax furasho lagu sii daayey – S

Ad byValueimpression

Wargeyska Corriere della Sera ee dalka Talyaaniga ayaa qoray in Silvia Romano oo ahayd gabadhii ay haysteen Al-Shabaab ee lasii daayey habeenkii Jimcaha, lagu sii daayey madax furasho kadib wada-xaajod socday lix bilood.

Wargeyska ayaa Silvia kasoo xigtay inay rumeysan tahay in wada-hadallada lagu sii daayey ay billowdeen bishii November ee sanadkii tegay, markaasi oo ay ahayd sanad guuradii koowaad ee afduubkeeda, sababtoo waxaa markaas laga duubay muuqaal caddeynaya inay nooshahay.

“Waxaa la ii sheegay inaan duubo muuqaal aan ku sheegayo magacayga iyo taariikhda iyo inaan xaqiijiyo inaan bad-qabo,” ayey tiri Silvia, oo intaas ku dartay inay duubtay saddex muuqaal oo kala duwan kahor inta aan lasii deyn.

Corriere della Sera ayaa qoray in sirdoonka Talyaaniga ay kala shaqeeyaan kuwa Turkiga iyo kuwa Soomaalida sidii loo

Silvia waxay sheegtay in 17-kii Janaayo ay duubtay muuqaal kale, ayada oo intaas ku dartay inay rumeysan tahay in muuqaalkaas uu ahaa kii ay ku xaqiiqsatay in lasii dyan doono.

Wargeyska ayaa qoray in horaantii sanadkan la gud agalay wejigii ugu dambeeyey ee wada-xaajoodyada, islamarkaana dadkii isku xirayey Talyaaniga iyo Al-Shabab lacagtooda la siiyey, lana diyaariyey lacagta madax furashada.

Weli ma cadda lacagta ku baxday sii daynteeda, hase yeeshee Corriere della Sera ayaa qoray inay u dhaxeyn karto laba illaa afar milyan oo euro oo kaash ah.

Kadib markii dunida uu ka dillaacay cudurka Coronavirus, waxaa adkaaday in xiriiro la sameeyo, taasi oo sii deynta dib u dhigtay, balse waa ay furnaayeen wada-hadallada, sida lagu sheegay warbixinta Corriere della Sera.

Bartamihii April, sirdoonka Talyaaniga ayaa helay muuqaalkii la duubay 17-kii Janaayo, kaasi oo ay ku tiri “waxaan ahay Silvia Romano, waa 17-ka Janaayo.”

Markaas kadib, sirdoonka Turkiga ayaa Talyaaniga siiyey in dib loo billaabo wada-xaajoodyada, waxaana toddobaad kahor inta aan lasii deyn Silvia ay war farxad leh ka maqashay kuwii haystay oo ku yiri “hadda waan kusii dayneynaa.”

Isla waqtigaas koox ka socotay sirdoonka Talyaaniga ayaa soo gaaray Muqdisho, si ay Silvia ugala soo wareegaan gacanta Al-Shabaab, waxaana kadib maalmihii xigay la guda galay in la isku raacay xilliga iyo goobta ballanta.

Sida ay tiri warbixinta Corriere della Sera, waxaa la isku raacay deegaan 30km u jira magaalada Muqdisho in lagula kala wareego Silvia, habeenkii Jimcaha ee 8-da May.

Habeenkaas ayaa waxaa jiray in hoobiyeyaal lagu tuuray xerada Xalane, sidoo kalena ay da’een roobab xooggan, taasi oo howl-galka kala wareegistay halis gelisay, balse si kastaba lagu sii dhaqaaqay.

Kooxdii Talyaaniga ayaa tagtay goobta, waxaana yimid afduubayaashii oo waday Silvia. Waxaa la tijaabiyey caafimaadkeeda maskax iyo mid jir ahaan, kadibna markii kooxda la siiyey lacgatooda, ayaa halkaas lagula wareegay Silvia. Dhowr saac kadib Silvia ayada oo nabad qabta ayey soo gaartay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, maalin kadibna Rome ayaa loo duuliyey.