Yaa qaatay lacagtii Jabuuti ugu deeqday Beledweyne? – Waare ayaa shaaciyey

 Lacagtii ay dowladda Jabuuti ugu deeqday biya xireenka loo sameynayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo mudo sanad ah la la’aa ayaa la ogaaday inay ku jirtay gacanta dowladda federaalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitter-ka ku xaqiijiyey in dowladda federaalku ay ku wareejisay maanta lacagtaas oo cadadkeedu dhamaa $600,000, taas oo sanadkii hore ay dowladda Jabuuti ugu deeqday in biya xireen loogu sameeyo magaaladan sanadkiiba laba mar biya baxadu ku dhacdo.

Waxaa la yaab noqotay sababta mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay lacagtaas wax loogu qaban waayey dadka reer Beledweyne, oo intaas dalbanayey in laga gacan siiyo biya xireen lagu sameeyo wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in lacagta maanta lasoo gaarsiiyey ay ku jirto $500,000 ee dowladda federalku u balan qaaday reer Beledweyne iyo $42,000 oo uga timid guddiga gargaarka heer Qaran, waxuuna cadadka lacagtaas isku noqonayaa 1,142,000 oo dollar.

Ad byValueimpression

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa afka furtay waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan, kuwaas oo cabsi ka qaba in magaalada mar kale biya harqiyaan, waxayna xukuumadda federaalka ku eedeynayeen in laga la’yahay lacagtii ay ugu yaboohday Beledweyn iyo tii ay ugu deeqeen dowlado ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Somaliland iyo sidoo kale deeqo gacantooda ku soo dhacay gurmad yadii kale ee xilligaas la aas-aasay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay amray wasaaradda maaliyadda inay fududeyso kharashka ku baxaya dadaallada looga hor tegayo in fatahaadi ka dhacdo magaalada Beledweyne sanadkan.

Beledweyne waxaa haatan ka socda carratuur iyo qorshayaal kale oo lagu xakameynayo biyaha wabiga Shabeelle, kuwaas oo ay wadaan guddiyo isku tashi oo ay iska aas-aaseen dadka ku nool magaalada.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka baxay magaalada Jowhar ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo sida uu sheegay uu u tegay sidii uu talo iyo gacan siinba ugu biirin lahaa dadaallada socda ee lagu xakameynayo fatahaad dambe oo uu magaalada ka geysto wabiga Shabelle.