Khabiir ku dhowaa inuu helo dawada Coronavirus oo lagu dilay dalka Maraykanka

Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalka Mareykanka, Khabiir ku dhawaa inuu helo daawada cudurka Coronavirus ayaa lagu toogtay oo lagu dilay dalkaas.

Professor-ka la dilay oo lagu magacaabo Bing Liu ayaa ahaa khabiir Jaamacadda Pittsburgh u qaabilsanaa baaritaanka daawooyinka, waxaana la sheegay in meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalo Ross Township oo dhacda Waqooyiga Magaalada Pittsburgh.

Jaamacadda Pittsburgh ayaa Professor Liu, oo asal ahaan kasoo jeeday Shiinaha, ku sheegtay inuu ahaa Cilmi-baare heer sare ah oo wax badan ka fahamsanaa seyniska.

Bayaan ay soo saartay Jaamacadda lagu yiri “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka Coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.”

Valueimpression Placeholder

Baarayaasha ayaa rumeysan in nin labaad oo aan la garaneyn, oo meydkiisa laga helay gaarigiisa uu gurigiisa ku toogtay Liu ka hor inta uusan ku laaban gaarigiisa oo isna markii dambe is dilay.

Labada nin ayaa la sheegay inay is-garanayeen hase yeeshee booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in Liu loo beegsaday sababo la xiriira inuu Shiinees ah.