Jacfar oo ka hadlay xabsiga Cusboole ee la sheegay in lagu ciqaabo dad gaar ah

Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali( Jacfar) ayaa ka hadlay wararkii maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex mariyey ee ku saabsanaa in Degmadaas laga sameeyey xabsi gaar ah oo lagu ciqaabo dadka Shacabka ah.

Guddoomiyaha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu degmada Dayniile ka sameystay xabsi gaar ah, wuxuuna sheegay in xabsiga Degmada ku yaalla uu kaliya yahay Saldhigga Booliska ee Degmada.

Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyey dadkii cabanayey ee sheegay in la geeyey xabsi gaar ah oo ku yaalla Degmada Dayniile, islamarkaana halkaas lagu ciqaabay ayaa sheegay in warkaas uu yahay been abuur ah.

“Waa arkayey dhallinyarada meelaha ka hadleysay, ma aheyn dad shacab ah oo banaanka ka yimid, waxay ahaayeen dhallinyaradii ka shaqeyneysay degmada oo loogu sheekeeyey in waxyaabahaas hey’adaha looga helayo lacag iyo in dibadda la isku qaado,” ayuu yiri.

“Xabsiga Cusboole ee la leeyahay xilligii Siyaad Barre ayaa la dhisay dad gaar ah ayaa lagu ciqaabaa, waa Saldhigga rasmiga ah ee Degmada Dayniile,” ayuu sii raaciyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wiilkii saxaafadda la hadlay ee sheegay inuu Wariye yahay,  islamarkaana lagu ciqaabay xabsi gaar ah ayaa sheegay inuusan ninkaas aheyn Wariye balse uu kamid yahay shaqaalaha degmada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuusan isaga marnaba raali ka noqon doonin in dad Shacab ah lagu dhibaateeyo degmadiisa.

“Degmada Dayniile waxaa ku yaalo laba Saldhig, midka degmada ku yaalla iyo mid kale oo ku yaalo Xiro Jarmal, waxaana lagu xiraa dadka Shacabka ah ee is dhibaateeyo iyo kuwa ka tirsan Degmada ee iyagana dambiyada galo” ayuu sii raaciyey.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook.

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi.