Booliiska London oo Julian Assange oo kasoo dhax xiray Safaarada Ecuador (Daawo Sawirada)

Booliiska dalka Britain ayaa maanta gudaha u galay dhismaha safaarada Ecuador ku leedahay magaalada London ,waxa ayna halkaasi kasoo xireen Julian Assange oo ah Aas aasaha shabakada siraha qarsoon faafisa ee Wikileaks.

Julian Assange ayaa mudo todobo sano ah magan galyo ahaan ugu dhax noolaa dhismaha safaarada Ecuador ee magaalada London halkaas uu galay xili la doonayay in lasoo xiro.

Madaxweynaha dalka Ecuador Lenin Moreno ayaa shaaca ka qaaday inay baabi’iyeen magangalyadii Mr Assange siiyeen , kaddib markii uu ku xadgudubay heerarka caalamiga sida uu xusay.

Booliiska magaalada London ayaa gudaha u galay dhismaha safaarada halkaas ay xoog uga soo xireen kadib markii uu Assange ka biyo diiday in uu booliiska isku soo dhiibo .

Dowlada Sweden ayaa ku eedeesay  Julian Assange dacwad la xariira kufsi iyo dambiyo kale, waxaana ninkan uu dunida caan ka noqday kadib markii barta uu aas aasay ee Wikileaks faafisay siro badan oo u qarsoono doono waa weyn.