DF oo baadi goobeysaa dadka qaraxyada Muqdisho ku maalgeliya Al-Shabaab

Agaasimaha Warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan kali ku aheyn fulinta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho balse ay taageero wayn ka helaan meelo kale oo ka baxsan ururuada Argigixisada Soomaaliya ka jira.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Al-Shabaab qarash badan ka galo fulinta Qaraxyada, islamarkaana aysan awoodin in fuliyaan qaarxyo badan iyagoo aan heysan taageero dhaqaale, sidaas darteedna ay baarayaan dadka Al-Shabaab taageera.

Qoraal uu dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ugu yaraan halkii qarax ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay ka gasho lacag dhan Sideetan (80,000$) kun oo dollar, lacagtaasna aysan awoodin balse ay helaan taageero kale oo loo baahan yahay in la baaro.

“Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun” ayuu yiri C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Somalia.

“Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin walba lagu xasuuqayo shacabka birimageyda ah” ayuu is weydiiyay Agaasime C/nuur Maxamed.

“Waa arrin u baahan baaris qotodheer, ciddii lagu helo in ay si toos ah iyo si dadban u caawisana waa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadaa” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Somalia.

“Wiilashan yaryar ee maskaxda laga xaday mashruucan kali kuma aha. Dalalka iyo shakhsiyaadka Soomaalida iyo ajnabiga ah ee ku lug leh waa in cagta cagta loo saaraa” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed.