Ciidamada Amniga Puntland Oo Xabsiga Dhigay Mas’uuliyiin Katirsan Maamulkaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga ay Xabsiga Dhigeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Puntland.

Sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal waxa uu sheegay in Xubnaha la xiray ay kusocotay Baaris musuq maasuq iyo Lunsasho Xoolaha Maamulkaasi.

Waxa uu ka gaabsaday Wasiirka Tirada ay gaarayaan Xubnahaasi la xiray balse uu sheegay in Dhawaan Maxkamad la hor keeni doono.

Maamulka Puntland Ee Madaxweynaha Seddex Bil Ka yahay Siciid Cabdullaahi Dani waxay ololaheeda doorashada ku gashay in Xatooyada ama Musuqa uu la dagaalami doono gaar ahaan Wasaarada Maaliyadana ay il gaar ah ku heyn doonaan.

Tani waa markii 1aad oo Saraakiil Katirsan Dawlad Gobolleedka Puntland Loo xiro Musuq maasuq Muddo Sanado ah oo Maamulkaasi Shaqeenayey Dhowr Madaxweynana iskaga dambeeyeen.

Sacdiya  Food  cade