Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Caasimada Online ayaa xalay heshay xogta safarka madaxweynaha, waxaana halkaasi uu ku tagayaa safar muddo labo maalin ah oo uu kula kulmayo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Qatar.

Wafdiga madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar.

Qatar ayaa dhawaan dhagax dhigtay mashaariic ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.