Mareykanka oo Dambi ku helay Haweeney Baxsad ku joogta dalka Iiraan

Haweeney kamid aheyd Saraakiisha ciidanka cirka dalka Mareykanka gaar ahaan dhinaca Sirdoonka ayaa lagu helay dambi ah in macluumaad dhinaca milatariga la xariira ay la wadaagtay dowlada Iiraan.

Wasaaradda Caddaaladda dowlada Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen.

Haweeneydan oo sanado badan ka tirsaneyd ciidanka Cirka Mareykanka qeybtiisa sirdoonka ayaa la sheegay in xog aan la ogeyn oo dhinaca Milatariga ah siisay dowlada Iiraan .

Xeerbeegti kiiska haweneydan gacanta ku hayay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in Dowlada Iiraan xog ka siisay  siddeed xubnood oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo ama ay la shaqeysay ama ay kulmeen kuwaa oo Iiraan basaasayay.

Elfriede Witt ayaa loo jaray warqad lagu soo xirayo, waxaana haweeneydan la rumeesan yahay in ay ku nooshahay dalka Iiraan oo la sheegay in ay u carartay lix sano kahor kadib markii ay halis soo wajahday.