AMISOM oo cabsi owgeyd wax uga badashay Istaraatijiyadii dagaalka Al Shabaab

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilmay in Al Shabaab kala wareegaan deegaano iyo Degmooyin ay ka maamulaan qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ah ayaa markii hore weeraro xoogan ku qaadi jiray deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan Al Shabaab, hasa ahaatee ciidamada ayaa hakiyay howlgalada kadib khasaarooyin badan oo kasoo gaaray.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa ku dhawaaqay inuu bedelay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si loo yareeyo khasaaraha ciidankooda kasoo gaara duulaanada ay ku qaadaan Al Shabaab.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneral Tigabu Yilma ayaa sheegay in wax laga badelay howlagalada ciidamada AMISOM ee ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in hada dajiyeen Istaraatijiyad cusub ee weerarada ka dhanka ah Shabaab.

Jeneral Tigabu Yilma ayaa sheegay in wax laga badelay ciidamadii iyo gaadiidkii badnaa ee weerarada ku qaadi jiray goobaha ay joogaan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in howlgalka nuucaas ah uu dhalin jiray khasaaro badan oo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aaso.

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in hada kadib beegsan doonaan goobo bartilmaameed ah oo lasoo sahmiyay, waxa uuna xusay in habkan cusub meesha ka saareyso dhaq dhaqaaqyada Al Shabaab .

Ciidamada AMISOM ayaa hada la qorsheeyay in ay goobo bartilmaameed ah weeraro ku qaadaan kadibna dib uga soo laabtaan, waxa ayna AMISOM qorshahan cusub ku dooneysaa in ay ku yareyso khasaaraha soo gaara.

Waxaa la isweediinayaa sida ay AMISOM ugu suurto gali karto qorshahan cusub maadaama aysan heysan diyaarado ay ku weeraraan goobaha bartilmaameedka, waxa ayna AMISOM kaliya adeegsadaan gaadiidka dagaalka.

Ciidamada Mareykanka oo taageero siinaya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa hada sameeya howl galada lagu beegsado goobo bartilmaameed ah oo kuyaala deegaano iyo degmooyin ay maamulaan Shabaab, waxa ayna ciidankan adeegsadaan diyaarado.