Daawo sawirda MUSHARAX FAARAX CALI SHIRE OO BOSASO LAGU SOO DHAWEEYEY

Magaalada Bosaso  ayaa maanta lagu soo dhaweyey musharax Madaxweyne Faarax Cali Shire  oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019.

Waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Maamulka Gobalka Bari,qaar ka mid aha Saraakiisha ciidamadda dawlada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Dadweynihii soo dhaweeyey musharaxa ayaa waxa ay uga hortageen Garoonka diyaaraaha Bosaso ,waxaana halkaasi uu musharaxa ugu gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyay magaalada.

Musharax Faarax Cali Shire ayaa waxa uu la hadlay dad weynihii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta  uu kala kulmay magaalada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono bulshada inta uu joogo Bosaso.

Soo dhaweynta loo sameeyey Musharax Madaxweyne Puntland Faarax Cali ayaa si weyn looga dareemay magaalada Bosaso waxaana la filayaa in uu shir gaar ah la yeesho waxgaradka,nabadoonada, haweenka iyo qeybaha bulshda ku dhaqan magaalada Bosaso.