Maxkamad Ku Taalla Mareykanka Oo Xukuno Ku Riday Haween Somali Ah

Maxkamad ku taala dalka mareykanka ayaa xukuno kala duwan ku riday labo Haween Soomaali ah oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ay u uruuriyeen Lacago kumanaan dollar ah

Haweenkaasi ayaa magacyadooda lagu sheegay Muna Cismaan Jaamac oo degan gobolka Virginia iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo degan deegaanka Kent oo ka tirsan Washington ayaa lagu riday 12 sano iyo 11 sano oo xabsi ah

Racfaan ay ka qaateen maxkamadda Haweenkaasi Soomaalida ah ayaa waxaa ay go’aan qaldan ku tilmaameen xukunada xabsiga ah ee lagu riday

Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Mareykanka ayaa sheegay in muddo dheer Haweenkaasi lagu hayey baaritaano,iyadoo markii dambe la soo ogaaday in Al Shabaab ay u diri jireen Lacago badan.

Muwaadiniin Soomaali ah oo u badan dhalinyaro ayaa horay xukuno kala duwan oo xabsi loogu riday gudaha dalka Mareykanka, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta  gudaha Soomaaliya