Mareykanka Xildhibaan soo jeediyay in Shaqada laga Ceeriyo Somalida aan Doofaarka Cunin.

Steve King oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee ka midka ah Kongareeska dalkaasi, kuna caan baxay Islaam-nacaybka iyo Muhaajiriinta ku nool dalkaasi  oo shalay Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Breitbart News waxa uu sheegay inuusan doonaynin inay Muhaajiriinta Soomaalida Muslimka ah inay ka shaqeeyaan Shirkaddaha Xoolo-qalka ee ku yaalla Gobalka isaga laga soo doorto ee IOWA ee Bartamaha Galbeed ee dalkaasi oo ah Gobalka inta badan lagu qalo, laguna farsameeyo Hilibka Doofaarka.

Waxa uu tilmaamay in shaqaalaha Muslimiinta ee ay Soomaalida ka mid tahay inay fikrad qaldan ka bixiyaan Shaqada ay ka hayaan Wershadaha lagu farsameeyo Hilibka Doofaarka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan shaqaalaha Muslimka jeclayn inay ka shaqeeyan qalista iyo cabaynta Hilibka Doofaarka. Isla markaana ay iska riixaan, iyagoo dadka Gaalladda ku habaara inay naarta galaan.

“Ma doonayo inay Muslimiinta inay gacanta la galaan Doofaarka, waayo waxay iyaga taageerayaan inay Dadka aan Diinta haysan galaan Naarta” ayuu yiri Steve King  oo ku caan baxay hadalladda ka dhanka ah Muhaajiriinta iyo Islaam-nacaybka.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inuusan doonaynin inay Shaqaalaha Soomaalida ka shaqeeyaan Wersahadahaasi, isla markaana ay shaqaale cusub u qoran doonaan Wershadaha lagu qalo Doofaarka.