(Daawo Sawirro) Miino culeyskeedu gaarayo 40kg oo laga soo saaray duleedka Magaalada Kismaayo

Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa sheegay iney ku guuleysteen in dhulka ay ka soo saaraan Miino lagu aasay duleedka magaalada Kismaayo.

Miinada ayaa waxaa la geliyey inta u dhaxeysa Tuulooyinka Buula-Gaduud iyo Baar-sanguun oo ay inta badan ku safraan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo maalmahaan howlgallo ka waday degaanadaas.

Miinada oo culeyskeedu gaarayay 40kg ayaa waxaa dhulka ku aasay Al-Shabaab sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo intaas ku daray in miinadan loogu talo galay iney geysato waxyeelo balaaran.

Degaano hoos yimaada magaalada Kismaayo ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgallo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmayey dagaalamayaasha Al-Shabaab oo degaanadaas aan ka fogeyn.