Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo ugu baaqday Muwaadiniinteeda in Somalia kasoo baxaan

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa looga digay Muwaadiniinta Britain in ay xiligan  u safraan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Waxaa lagu war galiyay Muwaadiniinta Britian in aysan booqan ka feejignaadaan dalalka ay kamid yihiin Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen, waxaana loo sheegay in dalalkan kala kulmi karaan khataro amni iyo mid argagaxiso.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa sidoo kale ugu baaqay Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Soomaaliya in ay isaga soo baxaan.

Muwaadiniinta Britain ayaa loo sheegay inay cabsi sare ka jirto Somalia, isla markaana ay jiraan waxa loogu yeeray qorshe weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Reer Galbeedka ku sugan Muqdisho, Somaliland iyo qeybaha kale ee Soomaaliya.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa marar badan uga digay muwaadiniintooda in ay Soomaaliya u safraan iyaga oo sheegay in xiliyada qaar ay ka jirto Soomaaliya qatar dhinaca amaanka ah.