In ka badan 60- Sargaal oo Soomaali ah oo Tababar loogu soo gabo gabeeyay Turkiga (Daawo Sawirro

Dalka Turkiga waxaa tababar mudo socday loogu soo gabo gabeeyay in ka badan lixdan sargaal iyo sargaal xigeeno, kuwaa mudada tababarka socday la barayay casharo kala duwan .

Saraakiishan Soomaaliyeed oo ah dhalinyaro ayaa tababarka in ay ku jireen waxa ay la qaateen ciidamo ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo ciidamo kale oo ka kala socoda Wadamo Afrika kuyaala iyo Qaaradda Asia.

Waxaa dhawaan lagu wadaa in dalka dib ugu soo laabtaan Saraakiishan Soomaaliyeed kana mid noqdaan saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada Soomaaliya, waxaana la filayaa in saraakiisha wax ka badalaan hab dhaqanka saraakiishii hore.

Dalka Turkiga ayaa Soomaaliya gacan ka siiya dib u dhiska ciidanka iyo tababarkooda, waxaana dowlada Turkiga Muqdisho ka furtay xero Milatari oo aad u weyn oo lagu tababaro ciidanka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed.