Ciyaartoy Soomaali ah oo loo diray dalka Rushka uu ka bilaabanayo Koobka Aduunka

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya ayaa dalka Ruushka u diray Sadex Ciyaaryahan oo Soomaali ah si ay usoo daawadaan Ciyaaraha Koobka Aduunka oo la filayo 14-ka bishan June ka furmo Ruushka.

Ciyaartoydan Soomaaliyeed ayaa kamid noqonaya ciyaaryahano kala duwan oo daafaha caalamka laga keenayo oo loogu tala galay in ay daawadaan Ciyaaraha xiisaha badan ee Koobka Aduunka.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay kasoo codsatay sadex dhalinyaro ah oo kamid ah Ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya.

“Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”. Ayuu Yiri Mr Carab.

FIFA ayaana shuruud ka dhigtay ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ruushka loo diray in ay noqdaan kuwa da’dooda ay ka yar tahay 17-sano jirada sidoo kale ka ciyaara booska difaaca.

Ciyaartoydan Soomaaliyeed ayaa inta ay Ruushka joogaan la filayaa in ay daawadaan qaar kamid ah Ciyaaraha Koobka Aduunka ee bilaabanaya 14-ka bishan , waxa ay sidoo kale ciyaartoydan inta ay Ruushka joogaan soo korarsan doonaan Khibrado dhinaca ciyaaraha