Dowlad ka tirsan Yurub oo loo magacaabay golihii Wasiirada ee ugu yaabka badnaa (Daawo Sawirro)

Ra’iisulwasaaraha dalka Spain Pedro Sánchez ayaa 17ka xubnood ee golahiisa wasiirrada 11 ka mid ah ka dhigay dumar, waana tirada ugu badan dalalka qaaradda Yurub oo dhan.

Sánchez oo sheegta in uu arrimaha dumarka u jajaban yahay ayaa tallaabada uu qaaday ay ka duwan tahay midii Ra’iisulwasaarihii isaga ka horreeyay ee Mariano Rajoy, kaas oo ay golahiisa wasiirradu ragu u badnaayeen.

Dumarka ayaa loo dhiibay masuuliyadaha ugu culculus sida, wasiirka difaaca, dhaqaalaha, maaliyadda iyo wasiirka waxbarashada.

Pedro Duque oo horay cirbixiyeen u soo noqday ayaa laga dhigay wasiirka sayniska.

Sánchez ayaa golahiisa wasiirrada ka soo kala xulay xisbigiisa iyo xubno kale oo khibrad leh balse aan siyaasadda ku jirin, waxaana lagu tilmaamay “golaha wasiirrada ee dumarka”.

Isaga oo telefeshinka ka hadlaya ayuu sheegay in xukuumaddiisa cusub ay ka kooban tahay dad “wadaaga arragti mid ah oo ku aadan in bulshadu horay u tallaabsato, kuwaas oo casriga la jaanqaadaya wada jirka Yurubna taageersan.