Shariif Xasan & Waare oo gaaray Muqdisho.

Madaxweynayaasha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogay magaalada Nairobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada iyo dhisida ciidamada Boliiska Hirshabelle.

Labada Madaxweyne ayaa u gudbi doona magaalada Baydhabo halkaa oo uu dhowaan ka dhici doono shirka golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

SAWIRRO :

Puntlander | news and other matters of interest to Somali speaking community | non-biased information about Puntland to Puntlanders and non-Somalis alike in the hope that the people interested in learning more about Puntland will get a true picture about this country.
© 2011–2024 Puntlander.com. All rights reserved | Website designed by Ramaas Software