Puntland Oo Baaq U Dirtay Shacabka Ku Dhaqan G/ Sool

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Cabdulaahi Cumar Camey oo la hadlay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha dagaal ee ka tagaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mr Camey ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalkaasi loo midoobo shacab iyo Ciidan intaba.

Waxaama uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland in ay keenaan Ciidamo ka qeyb qaata dagaalkaasi.

Weli xiisad u dhexeysa S/land iyo Puntland ayaa ka taagayn deegaanka Tukaraq, kaas oo dhowr jeer dagaallo ay ku dhexmareen Ciidamo kala taabacsan maamulladaasi.