Gaari Qarax looga shakiyay oo lagu arkay Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goor dhow xiray Isgoyska Imporotio Ceelgaabta ka dib markii ay ka shakiyeen Gaari lasoo dhigay Bartamaha Wadada.

Dadka Shacabka ah iyo Gawaarida ayaa loo diiday in ay maraan wadadaasi , maadaama Saraakiisha Amniga ay Gaarigaasi Qarax uga shakiyeen.

Gaariga ayaa la sheegay Muddo ku dhow Saacad in uu yaallay goobta.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dad goobta ku sugan gaariga ayaa ah nuuca loo yaqaano raaxadda.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ayaa ku wargaliyay dadkii marayay goobta, in ay dib u laabtaan , maadaama ay Baaritaano ku waddaan gaariga.

Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho.