11 Qof Oo Ku Dhimatay Dooni Ku Rogmatay Harada Volta Ee Dalka Gaana

11 Qof ayaa ku geeriyootay Dooni ku qallibantay Harada Volta ee Jasiiradda Sipom, ee Dalka Gaana, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Dalkaasi.

Dadkan ayaa ka mid ahaa 50 Qof oo kasoo ambabaxay degaanka Kete Krachi, kuwaasoo dalagga ka soo go’ay Beerahooda doonayay inay u iib geeyaan Sipom oo Caasumadda Accra dhanka Waqooyi bari kaga beegan 430 Km.

Doonidan ayaa gebi ahaanba burburtay markii ay ku dhacday Geed Biyaha ku hoos jira, waxanay kooxaha gurmadku sheegeen inay soo badbaadiyeen 33 Qof, 6 kalana ay weli baadi goobayaan raq iyo Ruux.

Douglas Osei-Nti, oo ka tirsan maamulka Galbeedka Degmada Krachi , ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay weli socdaan howl-gallada gurmadka, iyadoo Dadka ku dhintay shilkaasina ay ka mid ahaayeen Laba Haween oo xaamila a