Dalka Canada oo lagu dilay Wiil Somali ah lagu dhaawacay Haweeney kale oo Somali ah..

Booliiska Dalka Magaalada Ottowa ee Dalka Canada ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu dilay Muwaadin Soomaali ah laguna dhaawacay Haweeney Soomaali ah oo ay wada socdeen.

Saraakiisha Booliiska ayaa Warbaahinta u sheegay in laba toogasho ay ka dhacday Koofurta magaalada Caasimadda ah ee Ottow ee Dalka Canada laguna dilay mid ka mid ah Toogashadaasi C/fitaax Cusmaan, weerarka kale ayaa lagu dhawaacay Haweeney Soomaali ah oo hada lagu dabiibayo Ottowa.

Maxamed Barre oo ay isku xaafad ahaayeen Ninka la dilay ayaa Booliska u sheegay in C/Fitaax oo ka mid ahaa dadka degganaa Bariga Magaalada Ottowa islamarkaana  uu Gurigiisa ku soo koray isaga.

Haweeneyda la toogtay ayaa iyana rasaasta uga dhacday Miskaha,waxaana la geeyay Isbitaalka Weyn ee Ottowa halkaas oo la filayo in xabbadda looga saaro.