Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ku Dhawaaqay Shir Deg Deg Ah Oo Xal Looga Gaarayo Khilaafka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal looga gaarayo Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug.

Mr Sabriye ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan uu qabsoomi doono 30-ka Bishaan oo ay naga xigto muddo 3 Cisho ah.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digay saameyntya ay yeelan karto haddii uu Garab uu ka baaqsado shirkaasi.

Ugu dambeyn Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia ayaa ugu baaqay Madaxda maamulka Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka maamulkaasi.