Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Cafis U Fidiyay Hoggaamiye Mucaarad Oo Dil Ku Xukunnaa

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay Andargachew Tsige, oo ahaa xog-hayaha guud ee Ururka Ethiopian opposition movement, Patriotic , oo loo yaqaan Ginbot 7.

Andargachew  Tsige, ayaa lagu xukumay dil Sanaddii 2009-kii, balse wuxuu Dowladda u gacan galay markii ay sirdoonka Itoobiya ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Dalka Yemen June 2014-kii, markaas oo uu kusii jeeday Dalka Eretrea.

 

Ginbot 7, oo ka mid ah dhowr Urur oo ay Dowladda Itoobiya ku dartay Liiska argagixisada ayaa lagu eedeeyaa inuu Gacan saar dhow la leeyahay Dowladda Eretrea oo ay cadaawad xumi ka dhaxayso xukuumadda Addis ababa.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda Qoomiyadda Tigreega ayaa haysta dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaana soo sii deyntiisa dedaalla badan ku bixisay Dowladda Britain, wuxuuna sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed inaysan wax faa’iido ah u lahayn xarigga Andargachew  Tsige, oo haysta Jinsiyad Dalka UK oo Gacan saar la leh Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan soo deysay xubno isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo suxufiyiin loo xiray siyaabo kala duwan, taasoo qayb ka ah ballan qaadyadii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa inuu la imaanayo furfurnaan siyaasadeed.