(Akhriso) Shan cabaqabood oo ku hor gudban safarka Raisul Wasaare Khayre ku joogo Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyagoo aan helin maamuus diblomaasiyadeed.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa ah mid deg deg ah, mana jirin qorshe Taliska Itoobiya ugu diyaar garoobay iney ku qaabisho wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya.

Madaxda hogaamisa wadanka itoobiya waxey aad ugu mashquulsan yihiin Booqashada Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo marti u ah madaxda iyo shacaka dalka Itoobiya.

Page-ka wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya waxaa lagu soo daabacay kaliya in Itoobiya uu soo garay Madaxwynaha Ruwanda waxaana labada dal ay ka wada hadlayaan horumarka midowga Africa, kobcinta ganacsiga qaaradda iyo waliba xiriirka labada dal oo dhinacyo badan leh.

Waxaan Falanqeynteyda ku dul istaagayaa shanta caqabadood ee horyaala waqtigan Safarka Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku tagay dalka Itoobiya.

1- Dowladda Itoobiya kuma qanacsano go’aanka dhexdhaxaadnimada Soomaaliya ay ka qadatay dallaka Khalej-ka waxaana ay aaminsantahay in Soomaaliya iyo Qatar ay yihiin xulufo dhaw, sdoo kale itoobiya waxay ka soo horjeedaa habka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ula falgasho maamul goboleedyada.

2- Itoobiya waxay xiriir dhaw la leedahay Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta, waxaana todobaadkan warbaahinta Carbeed ugu magac dartay todobaadkii  Ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo Africa, waxaana Abyi Axmed Sacuudiga booqday uu sidoo kale booqan doonaa dalka Imaaraadka si ay u maalgashadaan Itoobiya.

3-Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia oo ka gaabsaday wada shaqeynta xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Iyo Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib cadaadis xoog leh oo Villa Soomaaliya ay saartay wasiirka taasna waxaa kuu cadeyneysa Ra’isul wasaaraha ma raacin Madaxweynaha safarkiisii Qatar waa laga reebay.

4-26-june waxaa Magaalada Brussels ee dalka Belguim lagu qaban doonaa shirka International Forum oo ay soo qaban qaabisay Midowga Yurub waxaana looga hadli doonaa arimaha Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka, Dhisidda Ciidanka Iyo Nidaamka siyaasadeed ee dalka, wuxuuna shirkaasi u muuqdaa mid dowladda ku fashilmi doonto maadama maamul Goboleedyada uu khilaaf kala dhaxeeyo, dagaalka ka socda Tukaraq oo aan la maareyn, iyo wadahadlkii Somaliland iyo Soomaaliya oo lumay.

5-Itoobiya marnaba ma muujin biseyl siyaasadeed oo ay u qabto Madaxda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxaa diiradda la saaray Booqashada Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, laguma daabicin page-ka wasaaradda arimaha dibadda kulanka dhexmaray labada ra’isul wasaare.

W/Q: Danjire Maxamed Nuur Caalim