Xildhibaan C/Llaahi Maxamed Nuur Oo Dalbaday In Baaritaan Ka Madax Banaan Xukuumada Lagu Sameeyo Dhacdadi…

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna Gudoomiyaha Xildhibaanada ku midoobay Kutlada Baarlamaaniga ayaa qoraal uu ku dalbanayo baaritaan dhab ah waxa uu u diray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa Gaari uu watey abaara 5:0 Galabnimo 23,kii Bishaan waxaa lagu rasaaseyey xilli uu marayey Koontoroolka KM0 oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan NISA.

Xildhibaanka ayaa codsaday in baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dhacdadaas oo uu horay u sheegay in ay aheyd mid lagu doonayey in isaga lagu dilo balse uu ka badbaaday.

Qoraalka ayaa waxa uu u diray Guddiyada Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,isaga oo uga warbixiyey qaabkii uu falkaasi u dhacay iyo in uu doonayo in uu cadaalad helo,isla markana si dhab ah loo baaro.

Gaba gabadii waxa uu dhaliilay qoraal shalay ka soo baxay Wasaaradda Amniga oo uu sheegay in lagu qariyey falkii dhacay.