We Deg Deg ah: Dil Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Warar soo gaarey shabakada daydiinle ayaa waxa uu sheegayaan in kooxo ku hubeysnaa Butoolado ay ruux dhalinyaro ah ku dileyn Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.

Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Shuhadada ee Suuqa Bakaaraha,waxana goobjoogayaal ay sheegeen kooxaha dilka u geystay Wiilka Dhalinyarada ah ay goobta ka baxsadeen.

In kastoo weli aan sidhab ah loo ogeyn wax uu ahaa Shaqsiga la dilay,ayaa waxaa howlgal iminka Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagii uu dilka ka dhacay ka wada Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Suuqa Bakaaraha ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay masuuliyadooda sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish.