WAR CUSUB: Gabar uu dhalay Shak Rukh Khan oo keenaysa film-keedii ugu horreeyay!

(Mumbai) 26 Maajo 2018 – Suhana Khan, oo ah gabar uu dhalay Shah Rukh Khan ayaa ugu dambayn diyaar u ah filim bilowgeedii Bollywood, sida uu aabeheed dhowaantan Twitter-ka ku caddeeyay isagoo sheegaya inay duulis u diyaar tahay gabadhiisa oo 18-jir ah.

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo tibaaxaya in Suhana Khan ay ku af-bilaaban doonto filim uu sameeyay soo saaraha wayn ee Karan Johar kaasoo marka uu diyaar noqdo uu ku dhawaaqi doono isla Karan sanadkan.

Suhana hooyadeed Gauri Khan ayaa lafteedu taageero u muujinaysa gabadheeda iyadoo instagram-ka soo dhigta sawirrada gabadheeda. “Sida cad Bollywood hadda wuxuu u heellan yahay Suhana,” ayaa laga soo xigtey ilo ku dhow qoyska Suhana.

Visa bild på Twitter