Maxaabiis Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Ka Baxsatay Magafeyaasha Liibiya

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in illaa iyo 15 Qof oo Soomaali ay ku jiraan lagu dilay dalka Liibiya, xilli ay ka baxsanayeen Xabsi ku yaalla gudaha dalkaasi .

MSF ayaa sheegtay in 25 kale ay ku dhaawacmeen falkaasi, islamarkaana iminka lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada Bani-Waliid ee dalkaasi Liibiya.

Sidoo kale hay’adda ayaa tilmaamtay in 40 kale ay soo badbaadeen, kuwaasi oo u badan Dhalinyaro ka soo kala jeeda dalalka Ethipoia, Eretria iyo Soomaaliya.

Waxaana Dhalinyaradaasi ay u sheegeen MSF in Xabsigaasi ay ku xirnaayeen in ka badan 3-Sano oo xariir ah.

Kooxaha Magafayaasha ayaa weli muwaadiniin Soomaaliyeed ku heysta gudaha Liibiya, kuwaasi oo ay qabsadeen xilli ay doonayeen in ay dalkaasi u sii maraan dalalka Europe.