Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Joojiyey Xilka Qaadista Agaasimayaasha & Xogheyaasha Wasaaradaha

War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu joojiyey xilka qaadista Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tallaaba kasta oo xilka looga qaadayo Agaasimyaasha iyo Xoghayaasha Wasaaradaha in lagala tashado ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii horay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ay xilka qaadis ku sameeyeen agaasimayaal iyo Xogheyayaal taas oo dhalisay muran iyo isqabqabsi.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha.