Faahfaahin): Pakistan Iyo Somalia Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga Ee Somalia

Dowladaha Pakistan iyo Somalia waxay shalay ku kala saxiixdeen Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Shaahid Khaqan Cabaasi Heshiis qiimihiisu dhan yahay 10.5 million oo Dollar oo lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga Somalia (The National ID system) iyo in Taageero Farsamo laga geysto Horumarinta Nidaamka Aqoonsiga Muwaadiniinta Soomaalida.

Munaasabadda lagu saxiixay Heshiiskaasi waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa Mashruuca Kaararka Aqoonsiga. Nuur Diiriye Xersi, Danjiraha Somalia u joogta Pakistan, Khadiija Maxamed Al-makhzuumi iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladda Pakistan ee goob-jooga ka ahayd Saxiixa Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Miftaax Ismaaciil, Kaaliyaha Khaaska ee Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Dr. Musadiq Maalik, Xoghayaasha Waaxyaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha ee dalkaasi iyo Guddoomiyaha Shirkadda NADRA iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale, Hay’adda Pakistan ugu qaabilsan Xogaha Asaasiga  Qaranka iyo Diiwaan-gelinta ee National Database and Reg-istration Authority  (NADRA) waxay taageero ka geysan doontaa Horumarinta Teknoolajiyadda, Software-ka iyo qalabka u oggolaanaya Dowladda Somalia inay yeeshaan Xogaha Qaranka iyo Nidaamka Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta Somalia.

Teknoolajiyadaasi waxay kaloo Somalia ka taageeri doonaan Nidaamka Maaraynta Xuduudaha iyo Doorashooyinka.