Muwaadin Soomaaliyeed Oo Eedeyn U Jeediyay Dowladda Canada

Bashiir Maqtal oo ah Muwaadin Soomaali ah heystana dhalashada dalka Canada ayaa eedeyn u jeediyay dowladda dalkaasi, waxaana uu sheegay  in ay ka gaabisay wax u qabashadiisa, kadib markii uu muddo 11- Sano ah ku xirnaa Xabsi ku yaalla dalka Ethiopia.

Bashiir ayaa tilmaamay in intii uu ku jiray Xabsiga dalka Ethiopia uu la kulmay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay in lagu dayacay xabsiga, islamarkaana uu san helin habayaraatee wax caawinaad Bani’adanimo.

Waxaana uu tilmaamay in 2-Sano uu ku jiray Ciqaab aad u adag oo uu xusay in lagu xiray meel Hawo la’aan ah, slamarkaana uusan heli jirin cunto ku filan.

Sidoo kale Bashiir Maqtal ayaa ugu baaqay dowladda Canada in ay wax ka barato khaladkii ay ka gashay oo ahaa in ay ku dayacday Xabsiga Ethiopia, isaga oo bilaa Dambi ah.

Muwaadinkan ayaa waxaa lagu xiray Ethiopia bishiii December ee Sanad-kii 2006-kii, kaas oo lagu eedeeyay falal Argagixasanimo, iyadoona dhawaatani la siidaayay, kadib markii hay’adda Amnesty International ay sheegtay in uusan wax dambi gelin Muwaadinkaasi Soomaliyeed.