Madaxweyne Trump Oo Si Qarsoodi Har Iyo Habeen U Daawada Mid Ka Mid Ah Telefishinadda Caanka Ah.

yadoo uu Madaxweyne Donald Trump xiriir wacan la lahayn Warbaahinta, gaar ahaan  Telefishinadda ayaa waxaa la sheegayaa inuu inta badan waqtigiisa daawado mid ka mid ah Telefishinadda ugu caansan Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa la ogaaday inuu had iyo jeer daawado Telefishinka CNN-ka, sida uu sheegay Madaxa CNN, Jeff Zucker..

“Waxaa si qurxoon u caddaynaya Aragtida uu ka bixiyo  iyo qoraalladda uu soo dhigo Bartiisa Twitter-kiisa (Tweets) inuu si buuxda u yaqaano waxa ay CNN qabanayso” ayuu yiri jeff Zucker, wuxuuna sii raaciyey inuu Madaxweynuhu dhamaan maalin iyo habeen kasta si  qarsoodi ah u daawado  Telefishinka CNN-ka.

Hadalkaasi ayuu ka jeediyey  Dukumentari cusub oo loogu magac daray “Miniseries “1968”  oo ay CNN-ka ku soo bandhigeen Madxafka Qaranka ee Taariikhda Afrikaanka Maraykanka iyo Dhaqanka (The National Museum of African American History and Culture).

Xarunta Dhexe ee Telefishinka CNN-ka waxay ku Taallaa magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia ee dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxa CNN, Jeff Zucker waxa uu tilmaamay inuusan ka fekeri Karin Tusaalooyinka saxda ee ku jirta Madaxiisa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda Hoggaamiye ay ka go’an tahay inuu ka kaaftoomo inuu Wareysiyo siiyo Warbaahinta Caalamka, wuxuuna door biday inuu  bartiisa Twitter-ka ku soo qoro dhacdo kasta oo u khaas ah, siyaasad ahaan, waxa uu si gaar ah u soo bandhigaa marka uu la kulmo Madaxda Caalamka .

Madaxweyne Trump waxa uu maalmahan aad wax uga qoraa Kulanka la hadal-hayo inay isku arki doonaan Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo horey looa qorsheeyey inuu bisha June 12-da ka dhaco dalka Singapor, inkastoo uu  Madaxweyne Trump shalay sheegay in laga yaabo inuu dib-d-dhaco Kulankaasi