Akhriso:-Qodobada Looga Hadli Doono Kulanka Maanta Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Maanta oo Arbaco ah ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxna Ajandaha kulanka Maanta uu yahay Hindise sharciyeedka hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.

Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeyb doonaa hindise Sharciyeedkaas,iyaga oo marsiin doona akhrinta labaad  si ay u meel mariyaan,waxaan Xildhibaanada hortooda ka akhrin doona Xubno ka socda Guddiga difaaca Golaha Shacabka.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyey,waxan la geeyey Ciidamo booliska ah oo amniga xaqiijiya,iyada oo haatan ay socotay diyaar garoowgii u dambeeyey ee kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.