Daacish Oo Kordhisay Weerarada Ay Ka Fuliso Soomaaliya

-Sida uu qoray Wargeyska Long War Journal ee ka soo baxa dalka Mareykanka Kooxda Daacish ayaa bilihii u dambeeyay sare u qaaday dilalka  qorsheysan oo ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Tan iyo 15 kii bishii hore ee April Kooxda Daacish ayaa sheegatay in ay fulisay dilal gaaraya illaa 5, kuwaasi oo loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda, dilalkaasi oo inta badan ka dhacay gudaha M/ Muqdisho.

Warbaahinta gaar ka ah Kooxda Daacish ee Amaq News ayaa 15-kii bishii hore baahisay in Rag Daacad u ah Kooxdaasi ay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose,

Sidoo kale maalmo kadib ayaa barta Daacish ay ku leedahay Internet-ka lagu sheegay in koox taabacsan ay siyaabo kala duwan dilal ugu geysteen saraakiil ka tisan Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Guud ahaan howlgallada Daacish ay fulisay Sanadkani ayaa lagu sheegay in ay  garayaan illaa iyo 45 howlgal oo 14 ka mid ah ay ka filyeen gudaha magaalada Muqdihso.

Ugu dambeyn Wargeyska ayaa shaaciyay in muddooyinkii dambe Daacish dilal qorsheysan ay ka geystay magaalooyinka Baydhabo, Boosaaso, Qandala iy Afgooye .