Madaxweyne Erdogan oo Jeediyay hadal Dareenka dad badan wax ka bedelay

Madaxweynaha Turkey Rajap Dayyip Erdogan oo ka hadlay arrinta Qudus iyo Falastiin ayaa waxa uu yiri, “Mustaqbalka bini-aadminimada waxa go’aamin doonaa natiijada imtixaanka kasoo baxda mawduuca Falastiin iyo Qudus,ama bini’aadamnimadu waxay u dhaqaaaqi xagga iftiinka,madaxbanaanida,dhaqanka toosan, ama caddaalad darrada iyo dulmi “.

Erdogan ayaa waxa uu hadalkan ka jeediyay xilli uu ka qayb qaadanayay munaasabadda Mashruuca loogu magac daray “Mount of Olives Peace Awards”,oo ka qabsoomay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri”Arrinta Falastiiniyiinta iyo Qudus maaha kaliya arrin qaran gaar ah, gobol ama magaalo,Falastiiniyiintu waxay summad u yihiin dhammaan dadka dulman ee dunida oo dhan sababo la xiriira xadgudubyada, xasuuqyada iyo caddaalad darrada ay la kulmaan “.

Waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Aamusnaanta beesha caalamka ee tobonaanka shahiiday, kumanaanka dhaawacmay ee reer Falastiin  waxa ay tilmaameysaa mustaqbal qofna ama bulsho aynan si nabad ah u noolaan doonin”.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa milicsaday dhacdooyin: “Waxa ka dhacaya Falastiin, gaar ahaan Qudus, waxa uu ku yimid oo uu qayb ka yahay dadaallada kuwa dulmiga wada si ay u sharciyeeyaan ama xataa ay u  abuuraan caddaalad darro.”

Madaxwayne Erdogan ayaa waxa uu sido kale tilmaamay in aynan dhici karin inuu sii socdo nidaam kaga tagaya nabadgalyada dalalka dunida mid u garbo duuban dano iyo xitaa waxa ay jecel yihiin 5 dal oo kaliya,waxana uu cadeeyay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay oo noqotay mid lagama maarmaan ah.

Erdogan ayaa waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Waxa uu gaaray istus tuska beesha caalamku gaar ahaan ururada ay khusayso nabadda iyo arimaha ilaalida bini’aadanimada ,  heer aanan loo dul qaadan karin,waxana annagu aan sheegaynaa inaan kasoo horjeedno arrintaa oo aan leenahay caalamku uu ka wayn yahay dalal ka kooban 5 kaliya”.

Erdogan ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay : “Waxaan sii wadi doonaa inaan adeegsano awoodeena iyo karaankeena si aan ugu faa’iidadayno bini-aadanka ah gaar ahaan walaalaheena Falastiiniyiinta,Syrian ka iyo Afrikaan ka, waxaanan sameeyn doonaa wixii karaankayaga ah ee aan awoodno si aan u garab joogsano kuwa dulman”.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)