Madaxda dalalka Itoobiya iyo Kenya oo wacad ku maray in ay raadin doonaan nabadda Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed

Raysul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa isniintii soo gabagabeeyay laba maalmood oo booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Kenya isagoo mudadaasi aqalka madaxtooyada Kenya ee Nairobi kulamo kula qaatay madaxweeynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulamadooda ayay diiradda ku saareen xiriirka labada dal ka dhexeeya ee dhinacyada ammaanka, ganacsiga, dalxiiska iyo dhaqaalaha iyo weliba wada shaqeynta.

Waxyaalaha ay madaxdu ka hadleen waxaa kamid ahaa arimaha amniga gobolka sida dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed. Waxaana war muriteed kasoo baxay kulankooda warbaahinta u aqriyay Madaxweynaha Kenya, kaa oo lagu sheegay in labada dowladood ay isku raaceen in laga qeybqaato nadabeynta Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed iyo weliba la dagaalanka kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Dhinaca Suudaanta Koonfureed, War murtiyeedka ayaa lagu sheegay: “labada hogaamiye waxay ay muujiyeen sida ay uga niyadjabsanyihiin hoos u dhaca ku yimid dadaallada lagu soo celinayo nabadda Suudaanta Koonfureed. Iyagoo ballan qaaday ka go’naansho ku aadan in ay ka qeyb-qaataan dadaallada dhex-dhexaadinta IGAD, waxayna ku booriyeen hogaamiyeyaasha Suudaanta Koonfureed in danaha shacabka ka hormariyaan tooda gaarka ah, si fursad loo siiyo nabadda.”

Waxay sidoo kale ka hadleen arimaha Soomaaliya ayagoo isla soo qaaday sii xoogeeysiga Al-shabaab iyo taageero la’aan howlgalka AMISOM.

“labada hogaamiye waxay muujiyeen in Al-shabaab ay sii wado dhibaatooyinka ay ku heeyso Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Sidaa darteed, waxay walaac ka muujiyeen taageero la’aanta beesha caalamka ee Soomaaliya, gaar ahaan dhaqaalaha aan ku filnayn lana saadaalin Karin ee howlgalka AMISOM, taasoo ay sheegeen in ay Qatar ku keeni karto guulaha la gaaray.”

Madaxda labada dhinac waxay isku raaceen in ay raadiyaan sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan howlgalka AMISOM, oo ay kamid tahay in la kordhiyo ciidamada AMISOM iyo sidoo kale in la tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxdu waxay walaac ka muujiyeen saameyn ay sheegeen in Soomaaliya ay ku leeyihiin kooxo ay ugu yeereen “danleey shisheeye” oo ay xuseen in ay sabab u yihiin xasilooni darrada dalka.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu sheegay in Kenya iyo Itoobiya oo loo arko dalalka ugu nabdoon ee geeska Afrika ay ka jiraan dhibaatooyin, ayadoo dowladda Kenya lagu sheegay war murtiyeedka in ay dhibaato ku hayaan Al-shabaab, oo ay ugu danbeeysay sagaal askari oo dhawaan ay weerar ku dileen Al-shabaab, Itoobiyana ay hadda kasoo kabaneeyso dhibaatooyin ka dhashay dibadbaxyo ay dhigayeen qaar kamid ah shacabka dalkaasi.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa loo arkaa in ay yihiin dalalka ugu waaweyn ee xiriirka la leh reer Galbeed, gaar ahaan dhinaca dagaallada ka dhanka ah argagixisada.
Labada dal waxa ay ciidamo uga suganyihiin Soomaaliya, kuwaa oo ka qeyb-qaadanaya dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.