Sawirro Cajiib ah – Nin laf-dhabartu wiiqmatay oo lagu guuleystay in dib loogu toosiyo.

Kadib kasoo saarista xidid geed, Mun wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xanuun laxawsiigu daran yahay. Waxaa qalooc ku yimid laf-dhabarta: caguhuna way itaal-gabeen.

Dhaqtarka ayaa sheegay in kala goosyada xubnaha laf-dhabarta soo gala aysan sidii loo baahnaa u shaqaynin.  Mun wuxuu usoo socdaalay Australia isaga oo la nool rajo kama danbeys ah.

Maalintii koobaad oo halkan uu yimid isaga oo dhabarku xanuun la godmay, ma uusan fileen inuu qumaati mar labaad iskula taagi doono caafimaad. Halkanna uu ka tegi doono isaga oo siduu rabay u socon kara.

Tani waa natiijada ka timid dadaal qaatay muddo 10 maalmood ku dhow oo joogto uu ku imaanayay xarun fiisiyo-taraabi oo oo dib loogu diyaarinayay inuu sidiisa kusoo laabto.

Howlgalka uu Dhaqtarku ku sameynayay waxaa lagu magacaabaa Correction taas oo ah in asalka lagu celiyo lafaha booskooda kasoo durga.

Maalin walba oo uu halkan imaanayay wuxuu la tagayay xanuun aad uga yar midkii uu shalay ku jiray ilaa maalintii ugu danbeysay uu kusoo baxay Mun sidii uu ahaa horraan.

Waalidka iyo Saaxiibadiisa – oo ay ku adkeyd inay rumeystaan inuu sidiisii hore kusoo laabmo – ayaa farxad la ilmeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com