Dowlada Somalia oo Shaacisay in dad loo soo xiray qaraxii Zoobe

Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhoor qofood oo loo soo xiray qaraxii xooganaa ee galaaftay nolosha boqolaalka qof ee ka dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Ducaale Islow oo Warbaahinta xalay kula hadlay Isgooska Zoobe ayaa sheegay in dhoor qof loo soo xiray qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe kuwaa oo la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qaraxa.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay hayaan xogo badan ayna jiraan dad loo soo xira balse ay dib kasoo gudbin doonaan xog dhameestiran oo arintaasi ku aadan.

”Hay’adaha amniga tilaabooyin ayey qaadeen dad ayeyna usoo xireen Qaraxii Zoobe, xoogaa xog ah ayaan hada uruurinay oon heynaa dib ayaana idinkaga soo gudbin doonaa” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Ciidamada amaanka ayaa xiray nin la sheegay in uu waday gaarigii labaad ee sabtidii ku qarxay Ceel Qalow iyo dad kale oo la tuhmayo in ay fududeeyeen in gaarigii ku qarxay Isgooska Zoobe uu soo galo Muqdisho.