Doorka Maraykanka Ee Somalia Ma Aha Mid Taageero Ka Geysanayo Dhismaha Nabadda Somalia (Warbixin

Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxay dalka Maraykanka ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay dilalka ka dhaca Somalia iyo Doorka Maraykanka ee Dhismaha Nabadda Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray in Kaalinta Maraykanka ee Somalia tahay mid horumar kooban leh, isla markaana aad u yar yahay miro-dhalkeeda.

Maalmo kadib, markii uu Taliyaha Ciiddanka Maraykanka AFRICOM isbuucii hore booqasho ku yimid Somalia waxaa ku soo  xigay arax loo adeegsaday gaari Xamuul oo in ka badan 300 qof ku dilay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inuu Qaraxaasi farriin u ahaa Soomaalida iyo Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette  waxa kale oo uu qoray in ku-baraaruga Isku-xirka Booqashada Taliska AFRICOM iyo Qaraxii Zoope noqon karto inay  Dowladda Maraykanka mar kale  la bixi doonto doorka ay ku lahayd Somalia

 

Wargeyska waxa kale oo uu xusay inay 400 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo ay bari-taaraan Diyaaradaha Dagaalka, Droneska iyo Kumanaan Askari ee Saldhigga ku leh dalka Jabuuti, waana Saldhigga keliya ee ay Maraykanka ku leeyihiin Qaaradda Afrika.

Doorka Dowladda Maraykanak ee Somalia waxa uu biloday dabayaaqadii sannadkii 1992-kii, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, George Bush ciiddamo u soo diray Somalia si ay Garagarka u gaarsiiyaan dadkii ku dhibaataysnaa Somalia.

Ciiddanka Maraykanka oo lagala hor yimid dagaalo ayaa waxa laga daad-gureeyey sannadkii 1993-kii, kadib, weerarkii lagu dilay 19 Askari oo Mraaykan ah.

Xilligaasi ayaana la xiray Safaaraddii Maraykanka ku lahaa magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu Madaxweyne Bill Clinton dareemay inaysan Diplomaasiyiintooda sii joogi Karin Somalia.

 

Mar kale, ayey Dowladda Maraykanka kordhisay doorka ay ku leedahay Somalia Bartamihii sannadkii 2006-dii, waxayna Madaxad dalkaasi garwaaqsadeen inay door ku yeeshaan qeybaha ay Dowladda ku xukunto Somalia.