RW Kheyre oo baajiyey safar dibeda ah, amar cusubna siiyey golihiisa wasiirada

Raisul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre ayaa baajiyey safar uu maalinta beri ah ugu ambabixi lahaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in sababo la xiriira musiibadii Qaran ee dalka ka dhacday uu Ra’isul wasaaraha uu u baajiyay safarkiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasoo waxyeelo xooggan ay ka soo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka kooban Wasiiro iyo ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus qaraxii Shalay ay kasoo gaareen.

Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku siiyey dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.