Ehelada dad lala’ yahay oo saaka buuxiyey Isgoyska Zoope & meydad laga soo saaray burburka (Daawo Sawirro)

Boqolaal qof ayaa saaka buux dhaafiyey nawaaxiga Isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho oo shalay galab uu ka dhacay qarax lagu hoobtay oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Dadkan ayaa ka baadi goobaya burburka dhismayaasha halkaas ku yaalla dad eheladooda ah oo lala’yahay illaa shalay, kuwaasoo aan war laga heynin nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen.

Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya gaadiidka cagafta ayaa xalay illaa saaka burburka hoostiisa ka soo saarayey meydadka dad fara badan iyo dhaawaca qaar kale, waxaana halkaas ka taagan xaalad argagax leh.

Dhinaca kale meydadka dad fara badan ayaa saaka la gaarsiiyey Isbitaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiina kuwaasoo la waayey eheladooda, iyadoo qaar ka mid ah meydadkaas ay gubteen qaar kalena ay cad cad u googoo’een, waxaana lagu jahwareersan yahay sidii loo kala garan lahaa ama loo kala saari lahaa.

Shaqaalaha isbitaalada ayaa ku baaqaya in dhiig lala soo gaaro si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee la geeyey, iyadoo baraha bulshada illaa xalay uu ka socday olole dadka loogu baaqayo iney gaaraan Isbitaalada si ay shubaan dhiig lagu badbaadiyo walaalahood.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsaday sawirada dad la baafinayo oo nolol iyo geeri lagu weysan yahay illaa shalay, kuwaasoo eheladoodu ay ka shaki qabaan iney qaraxii shalay ku dhinteen.

Waxaa xiran saaka inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho oo la soo dhoobay ciidamada dowlada oo feejignaan dheeri ah ay ka muuqato, iyadoo la filayo in madaxda dowlada ay booqdaan goobtii shalay qaraxa uu ka dhacay iyo Isbitaalada la geeyey dadka dhaawaca ah.

Qaraxii shalay oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa abid ee ka dhaca Muqdisho ayaa dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay noqdeen kuwo tira beelay.

Madaxda dowlada ayaa ka tacsiyadeeyey qaraxan, waxayna ku baaqeen in loo midoobo waxa ay ugu yeereen cadowga ummadda, iyadoo Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney qaraxan ka dambeysay aysan weli ka hadlin qaraxan.