Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Xooganaa ee ka dhacay Muqdisho iyo qeybo kamid ah Zope oo gubanaysa

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Zope ee magaalada Muqdisho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan bartilmaameedka rasmiga ee qaraxan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Zope, waxaana xiligan halka uu qaraxu ka dhacay ka taagan jahwareer aad u xoogan, waxaana laamiga Isgooska Zope daadsan meydadka dad badan oo dhintay.

Goob jooge ayaa noo sheegay in uu arkay meydadka dad badan oo yaala Laamiga Zope gaar ahaan Isgooska iyo meelo ku dhaw dhaw, waxaana aad u bur buray xarumihii ganacsi iyo dhismayaashii halkaasi ku yaalay.

Dab xoogan ayaa sidoo kale ka kacay agagaarka Isgooska Zope gaar ahaan goobo shidaalka lagu iibiyo, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada amaanka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Waxaa wali adag in la ogadao bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxan xoogan lala eegtay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay kuyaala Xarumo Ganacsi, Hotelo iyo Xarumo ay Dowlada leedahay sida Wasaarada Arimaha Dibadda.

Isgooska Zope ayaa xiliga uu qaraxuy dhacayay aheyd goob aad u mashqul badan, waxaana halkaasi ka sokow xarumaha ganacsi laga raraa gaadiidka dadweynaha ee aada xaafadaha kala duwan ee Muqdisho iyo waliba duleedka magaalasa.