Golaha Amaanka Ee QM Oo Warbixin Laga Siiyay Xaalada Bini’aadanimo Ee Somalia

Safiirka Sweden Carl Skau ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay Xaalada bini’aadanimo ee Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Danjire Carl Skau ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in dhibaatooyin muuqda ay sababeen abaarihii ay ku dhufteen Soomaaliya iyo Dalalka kale.

Waxaa uu sheegay in malaayiin qof oo ku nool Dalalka ay saameeyen abaaraha ay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.

Danjiraha ayaa cod dheer ku sheegay in xaallad bini’aadannimo ay ka soo dari doonto hadii aan haatan waxba laga qaban.

Sikastaba, Qaramada Midoobay ayaa tiro dhowr jeer ah shaacisay in malaayiin ruux oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ay qarka u saaran yihiin macluul daran, looban baahan yahay in laga hortago.