Dowlada Iran Oo Madaxda DFS Kala Hadleysa Muwaadin Looga Dilay Somalia

Wasaaradda Arimaha dibada dalka Iiraan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay dilka Captain u dhashay dalkaasi, oo lagu dilay biyaha dalka Soomaaliya, sidoo kalana mid kale lagu dhaawacay xilli ay wateen dooni yar.

Bahram Qassemi wasiirka arimaha dibadda Iiraan oo la hadlay warbaahinta ISNA ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falkaasi, ay ku waxyeeloobeen muwaadiniin u dhashay dalkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray in ay sameynayaan baaritaan ku aadan dilka iyo dhaawac loo gaystay badmaaxiinta ku sugnaa biyaha Soomaaliya, ee kana la hadli doonan madaxda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey ahayd markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ee ilaalada xeebaha ay rasaaseeyeen dooni ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa qayb ka ah tiro dowlado ah oo lagu eedeeyo in muwaadiniintooda ay biyaha Soomaaliya ka sameeyaan Kalluumaysi sharci darro ah.