Daawo Sawirada: Shinbiro loo tabbarayo inay haashka sigaarka ka ururiyaan jidadka !

Ka fal-celinta tirada badan ee sigaarrada lacabo ee Amsterdam, laba farsamayaqaan ayaa la yimid qorshe Tukaha loogu tababbarayo ururinta haashashka lagu tuuro jidadka.

Warshad yaqaan, Ruben van der Vleuten iyo Bob Spikman asal ahaan waxay tix-galinayeen inay adeegsadaan robots si jidadka looga nadiifiyo haashashka sigaarka. Hayeeshe waxay la kulmeen tiro caqabado ah gaar ahaan isku xayirnaanta barnaamijyada loo baahan yahay in lagu shubo si uu ula fal-galo howlaha maalmeed – iyo sidoo kale inuu kaga fogaado baaskiillada iyo socotada jidadka maraysa. Sidaas darteed, waxay dareenkoodu u weeciyeen mid kamid ah kheyraadka ku baahsan goobaha fogfog – shinbiraha.

Shinbirta Xamaam la yiraahdo ayay markii ugu horreysay tix-galiyeen maadaama laga heli karo meel walba oo dunida kamid ah, hayeeshe cilmi-baaris halhaleel ah ayaa shaacisay inaan lagu aqoonin shinbirahan garasho dheeri ah, sidaas awgeed tababbarkoodu wuxuu noqon lahaa mid adag. Hayeeshe labada farsama-yaqaan waxay durba heleen shinbir taas oo meel walbana laga heli karo, aadna u garasho fiican – Tukaha.

Shinbirka Tukaha waxaa laga mid dhigay mid kamid ah unug-dhameysyada ugu garashada fiican ee arlada saaran, fahamkooda la xiriira dhacdooyinka wuxuu u sahlayaa inay qorsheeyaan, hal-abuuraan, adeegsadaan agabyada si ay ugu guuleystaan ahdaaftooda.

Waxay walxaha ku baran karaan iyaga oo sahminaya hareerahooda: xakamayn kara insaanka ay caawinayaan. Garashadiisa waxaa lala barbar-dhigay midka Daaxuurka.

Waxaa loo tababari doonaa inay soo ururiyaan haashka sigaarka kuna ridaan kolay loogu sii diyaariyay cunto ay kala baxaan marka ay keenaan adeegga laga doonayo.

Daraasad ayaa muujinaysa in 6 tirilyan oo sigaar ah sanad kasta dunida laga cabo. Laba-dhig saddexdii meelba waxay iskaga idlaadaan oogada dusheeda. Si taas loo arko xajmigeeda, afarta tirilyan ee sigaar waxay ku filan yihiin inay buuxiyaan 2.5 milyan oo barkadaha dabaasha loogu tala-galay ah.